sooc
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)S. ah: wax xul ah.
sooc
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-cay, -cday)1. Wax intooda fiican la bixid. 2. Kala s.: wax isku jira noocyadooda kala saarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sooc ↴
aagga-qabow [m.l] (-gag-qabow, m.l)
(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada
qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.
taabasho [m.dh]
(daaw.) Hab baaritaan qayb ka
mid ah jirka ayadoo si taxaddar leh lagu
dareemayo gacamaha iyo faraha fooddoo-da.
Taabashada waxa marar badan lagu kala sooci karaa barar adke ah iyo mid tulux ah. Taabashada waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu ogaado jiritaanka ilmo uurka ku jira. ld taabad taabad
baadisooc [m.l]
Sumad u gaar ah qof oo xoolihiisa ku astaysto.
baadisooc [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Ka b.: qof, baadi xoolo ku jirta ka aqoonsasho.
baadisoocid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baadisooc². baadisooc
taah [m.l]
Cod tabar yar oo aan kala soocnayn oo qofka buka ka soo baxa.
abla'ablayn [m.dh] (-no, m.dh)
Barashada aragtida, jaraynta, iyo xeerarka kala soocidda naflayda kuwii dabar go'ay iyo kuwa hadda jooga.
alkahool [m.l] (-lo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.
bakteeriya [m.dh] (-ayaal, m.l/dh)
(baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
bir-u-eke [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
(kiim.) Curiye kasta leh astaamo u dhexeeya kuwa biraha iyo kuwa birma-ahayaasha. Sida runta ahna, ma jirto kala soocid cad oo lagu kala qaybiyo biraha iyo birma-ahayaasha. Marka kalka tusaha kalgalka bidix ilaa midig loo socdaba waxa laga tegayaa astaamaha biraha lana tegayaa astaamaha birma-ahayaasha.