sooran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)Wax si isla eg loo qaybiyey ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sooran ↴
barwaaqasooran [m.l]
Isbahaysi dhaqan dhaqaale oo ka dhexeeya Ingiriiska iyo dawladaha xorta ah ee uu gumeysan Jirey.
soornaan [m.f.dh]
eeg sooran. ld soor-naansho.
xaqsooran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la xaqsooray ahaansho.
soor [m.l]
1. Cayayaan duula, afar baal leh, duqsiga u eg wax yarna ka weyn, xoolaha dhiigga ka nuugga oo cudur ku reeba. 2. Buntuq afkiisa mindi ka taagan.
soor [m.dh]
1. Galley ama meseggo shiidan oo la kariyo. 2. Gasiin; cunto.
soor [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid cunto iyo cabbid ku martiqaadid. 2. Wax si isla eg u qaybin. ld sooryee.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg