soore
(m.l) (-ayaal, m.l/dh)

1. Qofka sooryada bixinaya. 2. Qaybiye; kalabbare. 3. Sinji noolaha ka mid ah kaasi oo dushiisa ama gudihiisa uu ku noolyahay dulin, marka uu qaangaadhana dhaawac uu geysta ama dila.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soore

oomasoore [m.l]
Dhul oommane ah oo aan dad iyo duunyo midna joogin.

baaxadsoore [m.l] (-rayaal m.l/dh)
Meesha baaxadda bartankeeda ah; wax fidsan oo ballaaran wadaagihiisa; dhex; bartame.

garsoore [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Nin sharci yaqaan ah oo u idman inuu dadka u garnaqo. 2. Ninka ciyaaraha kubbadda dhexdhexaadiy.

gusoore [m.l]
1. Bartamaha guga. 2. Bar-waaqo. ld gu'soore.

gu'soore [m.l]
ld gusoore.

martisoore [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Qof martida soo dhaweeya.

soo [fk.we]
ld sow.

soo [qr.fk]
1. Qurub tilmaamaya in falku uu u jeedo dhinaca hadlaha ama yeelaha. Tus. “Soo gal! Hoosta u soo deg! Ii soo sheeg!”. 2. Qurub tilmaamaya in falku uu keenayo sii aadid iyo soo noqosho. Tus. “Cali soo eeg! Hilib baan soo iibsanayaa”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg