sooryo
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

1. Cunto la siiyo dad marti ah. 2. Hanti la siiyo gabar la soo doontay tolkeed.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sooryo

martiqaad [m.l]
1. Sooryo qof marti ah la siiyo. 2. ld martiqaadid.

sifaal [m.l] (-llo, m.dh)
Shay badanaa ka samaysan caw, qaab wareegsanna leh oo sooryooyinka waaweyn cuntada lagu geeyo.

soor [m.l]
1. Cayayaan duula, afar baal leh, duqsiga u eg wax yarna ka weyn, xoolaha dhiigga ka nuugga oo cudur ku reeba. 2. Buntuq afkiisa mindi ka taagan.

soor [m.dh]
1. Galley ama meseggo shiidan oo la kariyo. 2. Gasiin; cunto.

soor [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid cunto iyo cabbid ku martiqaadid. 2. Wax si isla eg u qaybin. ld sooryee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg