soos
(m.l)

Xasillooni-darro; buuq.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soos

tacabsoosar [m.l]
Miraha ka soo baxa hawl la qabtay.

soosaare [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(riw.) Riwaayad, filin iwm qofka samayskeeda isku dubbarida ee soo saara.

soosaarid [m.dh]
1. (kiim.) Dariiqada lagaga soo saaro bir macdanteeda. 2. (kiim.) Ka soocidda walax laga soocaayo iskujir iyadoo la adeegsanaayo milmidda xula-shada leh.

soosare aasaasi ah [m.l]
Noole loo tixgeliyo inuu il-tamareed u yahay noolayaasha ka sarreeya, marka laga eego dhinaca silsiladda cuntada. Tus. “Dhirta cagaaran, kuwaasoo tamarta ilayska u beddela tamar kiimikeed”.

waxsoosaar [m.l]
1. (dhaq.) Tirada wixii ka soo baxa warshadaha, beeraha, xoolaha, iwm. 2. (dhaq.) Natiijada waxqabad hawleed kasta. ld waxsoosaarid.

waxsoosaarid [m.dh]
Awoodda waxqabad ee wax leeyihiin. ld waxsoosaar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg