sow
(fk.we)

Armaa, billaa, malaha. Tus. “Sow sidaa ma aha? Sowtaad tiri waan imaa-naya? Sow iga tagee.” ld saw, show, soo¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sow

saa [Falkaab | Adverb]
1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan. armaa, billaa, sida, sow

haasow [m.l]
ld haasaawid. haasaawid

haasow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-saaway,-saawday;-saawi)
La h.: haasaawe samayn.

raansow [m.l]
ld raasow.

raasow [m.l]
(bot.) Nagaar laamo jilicsan iyo caleen dhuudhuuban leh oo marka la kariyo caleemihiisa dadku cunto ahaan u cunaan. ld raansow.

xaasow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Nafley caato noqosho. 2. Qof carruur badan yeelasho.

yaxuusow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-soobay, -sowday)
Yaxuus noqosho (nin).

abeesow [m.l]
Cudur maqaarka dadka ku dhaca oo u yeela barbaro kuwa abeesada u eg.

aqsow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
ld asqoo.

bambasow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ooway, -oowday)
ld dambasow.

s [m.dh]
(sa') Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg