sugan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gnaa, -gnayd)

Aan ku xidhnayn, kana xor ah dhammaan astaamaha ku xeeran.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sugan

eber sugan [m.l] (fiis.)
Heerkulka ugu hooseeya ee aragti ahaan suurtagala. Waa heerkulka tamar socodka molikiyuulada iyo atamadu uu ugu hooseyo, wuxuuna u dhigmaa - 273.15 C ama -459.67 F.

caafimaaddarro [m.dh]
Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay.

raadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax raadkiisa doonid. 2. Wax maqan meesha uu ku suganyahay doonid. 3. Wax baarid.

wadci [m.l] (-iyo, m.dh)
Sida lagu sugan yahay; xaalad; sah.

xaal [m.l]
1. Hanti la siiyo qof sharaftiisa wax loo dhimay. 2. (axwaal, m.dh) Arrin; xaajo. 3. ld xaalad. Sida lagu suganyahay; sah.

xagayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Xag ka maalid ( xoolo irmaan). xagge s. Meel fog ku sugan; xaggeeya. Tus. “Waxaa laga helaa jidka xagge”.

ahaw [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aaday, -aatay)
Wax xalaad ku sugan noqosho. ld ohow.

aqoondarnaan [m.dh]
1. Xaaladda qof aan cilmi barani ku suganyahay. 2. Xaaladda uu ku suganyahay qof aan wax qori karin waxna akhriyi karin; jaahilnimo; aqoon la'ahaansho. 3. eeg aqoondaran. ld aqoondarnaansho, aqoondarri, aqoondarro.

aqoonla'aan [m.dh]
Xaaladda qof aan cilmi barani ku suganyahay. ld aqoonli'i..

arbush [m.l]
1. Xaalad xasillooni la'aaneed ee cidi ku sugantahay; qas; lab; rabsho. 2. ld arbushid.

sųg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Wax imaatinkooda dhawrid.

sug [m.l]
Yaraan; guridambays; cirrannuug.

sug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Wax xaqiiqdooda helid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg