suge
(m.l)

(xis.) Fansaar laga soo diray taxane labajibbaarane ah iyada oo la isku dhufto la isuna geeyo dhammaan kutirsaneyaasha si loo helo hal tiro oo keliya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh suge

saamisuge [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
1. Qof meel xoolo lagu saanyanayo yimid oo in wax la siiyo sugaya. 2. Qof mashaqayste ah oo mar walba in wax la taro sugaya.

filanwaa [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Dhacdo yaab iyo amankaag leh oo aan la sugeyn. ld filawaa.

garsuge [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
Nin xabsi ku jira oo aan xukunayn; rumaa.

heer-suge [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(xis.) Tirada dhinac u taxyada ama joog u taxyada ee ku jira sugaha.

isugee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Laba tiro ama ka badan isku darid.

isugeeye [m.l]
Gawaad; ruufiyaan.

isugeyn [m.f.dh]
eeg isugee.

isugeyn [m.l]
(xis.) Astaanta +. Xisaabfalka la isugu keeno laba ama dhowr xaddi si ay u sammeeyaan xaddi kale oo lagu maga-caabo wadar.

isugeysad [m.l]
ld isugeysasho.

isugeysasho [m.f.dh]
eeg isugeyso. ld isu-geysad, isugeysi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg