sugnaansho
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

ld sugnaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sugnaansho

aal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (yiil, tiil; aalli)
aal²: 1. (f.g) Wax meel go'an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn. ld ool², oollow ool, oollow

ah [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4]
(yahay, tahay; ahaa, ahayd) Wax xalaad ku sugnaansho.

bedqab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Nafley, nabad, caafimaad iwm ku sugnaansho. 2. Wax guri ka ahaansho.

fay [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aaday, -ayday)
Xaalad caafimaadqab ku sugnaansho; ladnaansho.

gabbalgaabso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ku g.: ilaa waqtiga go qorraxdu dhicidda ku dhowaato meel ku sugnaansho.

sugnaan [m.f.dh]
eeg sugan. ld sugnaansho.

xididdeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Xidid yeelasho. 2. Ku x.: meel mudda badan ku sugnaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg