taan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aamay, -aantay; -aami)

Ku t.: wax la jecelyahay ku fekerid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taan

aakhiritaan [m.l]
eeg aakhir. aakhir

taamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taan.

taangi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Weel bir ah oo baabuurta ku rakiban oo biyaha, baasiinka iwm lagu shubo. 2. Nooc baabuurta qafilan ee dagaalka ka mid ah.

taani [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
T. ah: qof laf iyo xoog leh.

taano [m.dh]
Lacag sarif ah oo shan senti u dhiganta.

xaddiditaanka PH [m.l]
(xis.) Logaridamka sal 10 ee rogaalka ribnaanta ayoonnada hayda-rojiinta ku jirta milan.

abuuritaan [m.l]
ld abuurid.

astaan [m.dh] (-aamo, m.l)
Summad. ld asto.

astaan [m.dh] (-aamo, m.l)
(nax.) Curiye muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). “A. kooban”: hal erey ama in ka badan oo la soo koobo, badanaana waxaa la qaataa erey waliba xarafkiisa ugu horreeya. Tus. “sh. = shilin, U.N. = United Nations”.

ta [mu.ti.dh] (kuwa, w)
kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa Caasho”. ld tan (1)

ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg