taarash
(m.l)

1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo.

taarash
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-shay, -shtay)

Maro tarash u yeelid. ld tarash².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taarash

taarad [m.l]
ld taarasho.

taarashid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taarash². ld tarashid.

taarasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taaro. ld taarad.

faraq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Daliigo yaryar oo badan oo laamaha geeduhu yeeshaan; raamo. 2. Dun soohan ama wax u eg oo maryaha dacalkooda iyo alaabadii kaloo la qurxina hayo loo yeelo oo laga lullulo; bul; taarash.

tarash [m.l]
ld taarash¹ (2).

tarash [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-shay, -shtay)
ld taarash².

tarashid [m.dh]
ld taarashid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg