taariikh
(m.dh)

1. Laan cilmi bulshadeedka ka mid ah oo lagu barto dhacdooyinka. 2. Goorta wax abuurmeen ama dheceen. 3. Sanadka, bisha, iyo maalintu inta ay joogaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taariikh

ubaxdhig [m.l]
Dhigidda la dhigo meelo taariikhi ah ubax.

jaahiliyad [m.dh]
1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.

maajo [m.dh]
Bisha shanaad ee taariikhda miilaadiga ah.

raadreebid [m.dh]
Waxyaabaha loo keydiyo taariikh ahaan.

taallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tus. “T. xusuuseed”.

taariikhdii hore [m.dh]
1. (taar.) Waqtigii taarikh bani-aadamka ee hore intii aan jirin wax qoraal ah. 2. Barashada taarikhda waqtigaa, gaar ahaan qodista wixii haraa ah. 3. (taar.) Taarikhada xilliigii hore.

taariikhee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-kheeyay, -kheysay)
1. (f.g) Wax taariikh u yeelid. 2. (f.mg) Ka t.: wax ka sheekayn.

taariikheyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taariikhee.

taariikhi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
T. ah: taariikhgal ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg