taariikhee
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-kheeyay, -kheysay)

1. (f.g) Wax taariikh u yeelid. 2. (f.mg) Ka t.: wax ka sheekayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taariikhee

taariikheyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taariikhee.

usduuro [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhacdo taariikheed oo sooyaal ah, oo wax laga beddelay qaabkeeda hore. ld asduurad, usduurad.

waagii macdanka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta laga samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.

degalbaaris [m.dh]
(taar.) Barashada taariikheed iyo dhaqan ee mujtamacyadii hore, adigoo eegaya dhismooyinkii ay ka tageen, xabaalihii, qalabkoodii iwm.

dhaqan [m.l]
1. Isu geynta nolosha maaddiga, ruuxiga, iyo bulsho ee ummadi leedahay, soona maray isbeddello taariikheed. 2. Asluub.

dhaxal [m.l]
1. (qaan.) Hanti ama lacag aad ka heshay qof dhintay, sababta waad lahaatay. 2. (taar.) Dhacdo taariikheed reebtana taariikh.

dokumenti [m.l]
1. Warqad war muhiim ihi ku yaallo sida shahaado, warqad aqoonsi iwm. 2. Raad taariikheed muhiim ah.

sooyaal [m.l] (-llo, m.dh)
(taar.) Wixii la soo maray oo jiilba uu jiil ka soo gaaray; dhacdooyin taariikheed oo isdabayaal keydintood ama sahamo.

taariikh [m.dh]
1. Laan cilmi bulshadeedka ka mid ah oo lagu barto dhacdooyinka. 2. Goorta wax abuurmeen ama dheceen. 3. Sanadka, bisha, iyo maalintu inta ay joogaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg