tababbar
(m.l)

Tabo aqooneed oo gaar ah oo cid la baro; layli; carbis.

tababbar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Qof ama nafley tababar siin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tababbar ↴

daabad [m.l]
Ninka tababbarka bilowga ah qaatay xagga ugaadhsiga, welise aan heer fiican gaarin.

gaagurre [m.l]
Inan ku jira da'dii uu qaadan lahaa tababbar ciidan.

tababbaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Nafley wax la tababbaray ahaansho.

tababbarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tababbar².

tababbarnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tababbaran. ld tababarnaansho.

tababbarnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld tababbarnaan.

anaakici [m.dh]
Koox ciidan ah oo si gaar ah u tababbaran oo cadow lala dagaallamayo dhulkiisa loo diro si uu u fadqalalleeyo.

aqoon-isweydaarsi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Dood dad badani ka qaybqaataan si xal loogu helo arrin taagan. 2. Tababbar gaabanoo loo furo dad gaar ah, si aqoontada kor loogu qaado..

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg