taban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)

Tiro taxane ah oo eber ka yar ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taban

ogsidhayn [m.dh]
(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.

tabane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. (kiim.) Laba saldanab oo isla eg ee walxuhu leeyihiin middood oo elektaroonadu xambaarsan-yihiin. 2. (xis.) Tiro xisaabeed oo eber ka yar.

tabantaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid u gargaarid; kaalmayn.

tabantaabin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tabantaabi. ld taban-taabo.

tabantaabo [m.dh]
ld tabantaabin.

tabnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taban. ld tabnaansho.

ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.

abyanaha logaridam [m.l]
(xis.) Qayb ka mid ah logaridamka tiro ee ah abyoonaha ku yaalla bidixda barta tabanlaha ee ku jirta logaridamka.

abyoone [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka idil ee togan iyo kuwa taban; 0, 1, 2, 3, 4, ... Abyooneyaasha togan ee 1, 2, 3, 4,... waxa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo ama kuwa wax lagu tirsado.

tab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Xeelad wax lagu qabto. 2. Hab; nidaam; qaab. 3. Caano lo'aad oo caloosha ku adkaada oo aan si fiican loo matagi karin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg