tabar
(m.dh)Xoog; itaal. ld tabaro, tamar, tamaro.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tabar ↴
caabuq [m.l]
1. Hurgumidda meel dhaawac ah;
fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹. caabaq, fasas
caabuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iwm awgeed.
caajis [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. ld cajis². cajis
oodjiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin.
saanreeb [m.l] (-byo, m.dh)
1. Cudur geela ku dhaca oo tabar-yaraan ku reeba. 2. S. ah: neef geel ah oo caato ah.
taagdaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Qof tabar yar ahaansho.
taagso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Tabar yeelasho. 2. Qun yar socosho.
taah [m.l]
Cod tabar yar oo aan kala soocnayn oo qofka buka ka soo baxa.
tabaraysad [m.dh]
ld tabaraysasho.
tab [m.dh] (-bo, m.l)
1. Xeelad wax lagu qabto. 2. Hab; nidaam; qaab. 3. Caano lo'aad oo caloosha ku adkaada oo aan si fiican loo matagi karin.