tabaryar
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-raa, -rayd)

Cid aan tabar lahayn ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tabaryar

caajis [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabaryarayn. ld cajis². cajis

tabaryaraan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tabaryar. ld tabaryaraansho, tabaryari.

tabaryaraansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld tabaryaraan.

tabaryari [m.dh]
ld tabaryaraan.

cusko [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-kaday, -katay)
1. Ul, derbi, geed iwm tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid.

dhacdhac [m.l]
1. Tabaryari darteed oo lala kufkufo; liiqliiq; dalanbaabbi. 2. Hal hal u qubasho; daadad. 3. Gefaf yaryar. 4. ld dhaadhac 1 (3). 5. ld dhacdhicid.

dhacdhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. Tabaryar darteed la kufkufasho; liiqliiqid; dalanbaabbin. 2. Dhawr mar dhicid.

laciif [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Nafley tabaryarayn. ld daciif², liciif².

sarkadhaban [m.l] (-nno, m.dh)
1. Welwel iyo hiyikac ku dhaca qof, arrin la soo deristay awgeed. 2. Dhibcaha biyaha roobka. 3. Roob tabaryar oo aan dhulka si fiican u qoyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg