tacsi
(m.dh)

1. Hadallo qof laga dhintay loo jeediyo oo lagu samirsiiyo. 2. Lacag loo geeyo qof laga dhintay. 3. Murugo dhawr maalmood loo hayo qof dhintay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tacsi ↴

ooysin [m.dh]
Neef xoolo ah oo tacsi ahaan loogu geeyo reer nin oday ahi ka dhintay.

tacsiir [m.dh]
Ganaax.

tacsiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Cid ganaaxid.

tacsiirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tacsiir².

tacsiyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
U t.: cid laga dhintay hadallo samirsiin ah u jeedin.

tacsiyeyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tacsiyee.

baroordiiq [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. ld baroordiiqid.

baroordiiq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid.

gogollaab [m.l]
Maalinta ugu dambeysa tacsi la dhigayay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg