tal
(m.l)1. Dun xariir ah oo maryaha lagu qurxiyo. 2. T. ah: qof aad u marqaansan ama u sarqaansan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tal ↴
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
saab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye. taliye
faalikad [m.dh] (-do, m.l)
Jirrid geed weyn oo go'an oo dhismo loogu talaggalay.
gaallisee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
1. Durbaan la garaacayo tallaabo la helid. 2. Cid ku dul wareegid.
jaanqaad [m.l]
1. Qaadidda tallaabada shanqarta ka yeerta (qof kabo qaba). 2. Saanqaad; socod. 3. ld jaanqaadid.
jaanqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin (qof kabo qaba). 2. Saanqaadid; socosho.
ohon [m.dh]
Badar, beer ka soo go'ay inta loogu talaggalay in la cuno.
orgee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Orgi ri' tallaabid.
qaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aatay, -aadatay)
1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.
qaafo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Waayeelka taliya. 2. Xoolaha intooda waaweyn oo ay ishu qabato uguna waxtar badan. 3. Naag sharafta haween leedahay u dhan tahay.
t [m.dh]
(ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka
soomaalida, waana shibbane.