turaal
(m.l)Naxariis cid loo galo. ld turniimo, turniin, turniinsho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh turaal ↴
saayir [m.l]
Dhaqaalayn; turaal gaar ah oo laysu galo.
calooljileec [m.l]
1. Dareen naxariis iyo turaal leh oo aadanaha ku beerma. 2. Dareen nuglaan iyo debec leh oo loo yeesho arrin aan la hubsan.
jimci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Si naxariis iyo turaal leh qof jirka ugu duugduugid. 2. Harag jilcin.
jimic [m.l]
1. Naxariis; kaalmo; turaal; jixinjix. 2. Sidkiisa dhammaad ku dhowyahay (xoolo); habaasiyey.
jimirric [m.l]
Naxariis; turaal; jimiimic.
jimirric [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
U j.: cid naxariis iyo turaal u gelid.
joogjoogso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Socod hadba meel istaagid. 2. Ku j.: qof dhulka jiifa oo muruq hayo si turaal ah ugu istaagid.
raxmad [m.dh]
Dareen naxariis iyo turaal leh oo dadku gaar u leeyahay.
turniimo [m.dh]
ld turaal.