tusbax
(m.l) (-xyo, m.dh)

(dii.) Iniino ka samaysan kuul ama qori oo dhexda ka daloola o dhuun iskula taxan oo lagu werdiyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tusbax

laasin [m.l] (-immo, m.dh)
1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa.

laasin [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-intay, -imatay; -imi)
1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa.

raatib [m.l]
1. Quraan akhris, werdi iwm oo waqti go'an si joogto ah loo sameeyo. 2. (-byo, m.dh) Laba iniinood oo ka mid ah iniinaha tusbaxa oo tirooyin go'an u kala qaybiya tusbaxa middood. ld ratib¹ (1).

yusur [m.l]
1. Madow oo dhalaalaya (midab dad). 2. Geed laftiisa madow laga sameeyo miraha tusbaxa.

afyaal [m.l]
1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.

jalwi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Miro digir, lows iwm qallajin. 2. Gabay ku luuqayn. 3. Tusbax ku werdiyid.

kuug [m.l]
1. (-gag, m.l) Qof cuntada si wanaagsan u karin yaqaana; kooke. 2. K. ah: nooc tusbaxyada ka mid ah qurux badan oo aan qayirmin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg