tusid
(m.f.dh)eeg tus².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tusid ↴
aroori [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Xoolo oomman meel biyo leh u kaxayn. 2. Hoos u dhigid. 3. Qof hurda riyo wax ku tusid; qof seexin. 4. Wax wax kale ku libdhin.
boholatusid [m.f.dh]
eeg boholatus². ld boholatus¹.
dhoollatusid [m.f.dh]
eeg dhoollatus². ld dhoollatus¹ (4), dhoollatusad, dhoolla-tusasho.
duw [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-uway, -uday; f.a: du')
1. (f.g) Wax leexin. 2. (f.g) Cid wax tusid. 3. (f.mg) Ku d.: wax meeshii lala rabay ku toosin; aadsiin; ku leexin. 4. (f.mg) Iskud./isud.: wax isku dubbarrid.
faarumayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Hal la lisayo lugaha dambe kala bixin. 2. Qof meel dheer iska tusid iyadoo aan loo baaqin. ld faarugso.
hanuuni [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid dawga san ku toosin. 2. Dhaqan, figrad, ama aragti cid ku barbaarin. 3. Cid meel aanay garanayn tusid.
hogatusid [m.f.dh]
eeg hogatus².
hoggaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Awr hoggaan ku wadid. 2. Dad hor kicid ama meel tusid. 3. Wafdi, hay'ad iwm madax u noqosho.
horkeen [Fal Gudbe/Labagudbe1 | Verb Transitive/Bitransitive1] (-nay, -ntay)
1. (f.lg) Qof wax hor dhigid. 2. (f.g.) Ka h.: laba qof is tusid. 3. (f.g) Iska h.: dad isku dirid.
jeedsii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
U j.: cid dusha wax ka tusid.
tus [m.l]
Humri kulul oo dhaca waqtiga kulaylaha; hogo.
tus [Fal Labagudbe1 | Verb Bitransitive1] (-say, -stay)
1. Cid wax farta ugu fiiqid. 2. Is t.: laba qof isu keenid.