tuug
(m.l)

(tuug, m.dh) Nin wax xadid caadaystay.

tuug
(m.dh)

Wax baryo lagu keenay.

tuug
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

Wax baryid; yaboohsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tuug

raadgur [m.l]
1. ld raadgurid. Doonidda wax maqan meesha uu maray. 2. ld raadgurid. Baaridda arrin iyada oo la eegayo sidii ay u dhacday. 3. Tuug wax qaaday si uusan ula fogaan sixir lagu sameeyo.

raadgur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax maqan meesha uu maray doonid. 2. Tuug si uu u soo celiyo wixii uu qaaday sixrid.

rabbituug [m.l]
Baryo Eebbe wax lagu weyddiisto.

saariq [m.l] (-qyo/-rqyo, m.dh)
Qof wax xada; tuug.

uusxabaal [m.l] (-llo, m.dh)
Qof tuug ah oo ariga uu qasho hilibkiisa inta uu cuno mooyaane inta kale qarsha.

allabbari [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ryay, -riday; -ryi)
1. Rabbi baryid; Ilaah wax ka tuugid. 2. Cunto lagu ducaysanayo samayn.

arbucuun [m.l]
Quraan ama duco loo akhriyo xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo.

arbucuun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
Xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo quraan ama duco u akhrin.

baryayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Baryo ama tuugsi u bixid.

baryo [m.dh]
Si debacsan oo cid waxay leedahay ama mas'uul ka tahay loo weyddiisto; tuugmo.

tu [mu.ac.dh]
(kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya; mid. Tus. “Tu wanaagsan baan ku toosay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg