tuuji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax jilicsan oo diismaya calaacasha iyo faraha ku dhuujin si dheecaan iwm looga keeno. 2. Ooga bugta ama daallan daliigid ama rixid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tuuji

cantuuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof cunto uu cantuugo siin.

cantuujin [m.f.dh]
eeg cantuuji.

daaweynta-fiisikaad [m.dh]
(daaw.) Qayb daaweyn oo lagu isticmaalo habab iyo qalab fiisikaad si loo daryeelo caafimaadka; waxaana la isticmaala: nal, fallaaraha ultrafayolet iyo infrareed, kul, koronto, riix-riixid, tuujin iyo ciyaaro waxtar ah.

lis [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Caano markaas la lisay. 2. Wax kastoo caano ama dhacaan leh sida xabagta iyo cinjirka iyo dhiinka miraha, oo la soo tuujiyo. 3. ld lisid.

tuujin [m.f.dh]
eeg tuuji.

tuujis [m.l]
(c.nafl.) Wejiga garaaca wadnaha, marka caloolyarooyinka wadnuhu isku soo ururaan si ay dhiigga ugu tuuraan halbowlayaasha.

tuu [Erey Dareen | Exclamation]
Juu!. ld tu'(2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg