tuulimaad
(m.l)

1. (taar.) Qaybta ka mid ah oogada dhulka iyo gibilkiisa ee ay nafleydu ku noolan karto, amase, ay nafley du ku nooshahay. 2. (jool.) Dhigidda uu dhigo wakiil dabiici ihi adke uu sidey oo uu ka keenay meel kale ama fog. Tus. “Webiyadu waxa ay tuulaan dhoobo iyo quruurux, dabayluhuna ciid badan iyo boodh”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tuulimaad

dabayleed [m.l]
(juqr.) Wax dabayli keentay amase ku xidhan. Tuulimaad d. waa waxyaabaha ay dabayli qaadday ama ay dhigtay meel dhulka dushiisa ah waxaana ka mid ah dabayl tuul, bacaadka iyo tuulimaadyada lamaddegaannada.

tuulimaad-badeed [m.l] (-dyo ..., m.l)
(jool.) Tuulimadyada la dhigo meelaha bad weynnada ama harooyinka guntooda badweynnada ugu hooseeya,waxyaabaha la tuulay asalkoodi waxay ka yimaadeen haraayaal yaryar oo ka haray noole hore ugu oolaan jiray qaybtaa badda ama harada ee uu ka dhacay tuulimaadku.

tuulimaad-mool [m.l] (-dyo ..., m.l)
(jool.) Maatarka adag ee daboola gebiska gobolka ugu hooseeya ee badda.

xarfasho [m.dh]
1. Dhaqaaq tartiib ah ee biyaha sare ee badda ama haro oo ay dabayshu dhaqaajiso iyo dhaqaaqyada kale ee la midka ah sida ciidda iwm. 2. (jool.) Tuulimaad kasta oo dhulka dushiisa ah oo la soo qaaday, gaar ahaan ka barafku tuulo amase biyaha ka yimaada barafka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg