tuulo
(m.dh) (-ooyin, ml.)

Magaalo yar oo meel miyi ah ku taal.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tuulo

ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.

baaddiye [m.l]
Berriga intaa aan magaalo ama tuulo ahayn.

buulo [m.dh]
Degaan buulal badan ka dhisanyihiin; tuulo.

caanateel [m.l]
1. ld caanaddiiq 1. 2.C. ah: xoolo lagu dhaqo meel u dhow tuulo ama magaalo si caanahooda loo suuqgeeyo. 3. C. ah: qof dhaqa xoolahaas. 3. ld caanateelid.

caanateel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eelay, -eeshay)
Meel magaalo ama tuulo u dhow xoolo ku dhaqid si caanahooda loo suuq geysto. ld caanaddiiq².

magaaleyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Miyi ama tuulo magaalo ka aadid.

qaryad [m.dh] (-do, m.l)
Magaalo yar; tuulo; buulo. ld qaryo.

xarfasho [m.dh]
1. Dhaqaaq tartiib ah ee biyaha sare ee badda ama haro oo ay dabayshu dhaqaajiso iyo dhaqaaqyada kale ee la midka ah sida ciidda iwm. 2. (jool.) Tuulimaad kasta oo dhulka dushiisa ah oo la soo qaaday, gaar ahaan ka barafku tuulo amase biyaha ka yimaada barafka.

tuu [Erey Dareen | Exclamation]
Juu!. ld tu'(2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg