tuuran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

Wax gacanta lagu gamay ahaansho.

tuuran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rtay)

Wax meel la tuuray ahaansho. ld tuulan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tuuran

naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.

yoobsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Dad ama xoolo meel tuuran ahaansho.

hiinraag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Wax meel tuuran noqosho (alaab). ld hinraag².

hiinraagid [m.dh]
Wax meel tuuran ahaansho (alaab). ld hinraagid.

karuuran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax meel tuuran ahaansho.

santuuran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Hal wax la santuuray ahaansho.

tumbul [m.dh]
Dad ama xoolo aan badnayn oo meel tuuran.

tuulan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
ld tuuran.

tuur [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Wax gacanta ku gamid. 2. (f.mg) Ka t.: sharaab dhaqso u cabbid.

tuur [m.l]
1. Timaha madaxa oo inta la daayo in yar kor u dheeraada. 2. Wax meel ta tuuray qaabkiisa. ld tuul¹.

tuur [m.dh] (-ro, m.l)
1. Kurus. 2. Dadka gasarku ku dhaco, qaabka dhabarkoodu yeesho.

tuur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax meel tubid. ld tuul².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg