ubad
(m.l)

Dhasha yaryar ee xoolaha iyo dadka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ubad

aabbe [m.l ] (-bayaal, m.l/m.dh)
1. Nin ubad dhalay. 2. (u.j) Aabbow!; wiilkaygiyow! ld aabbo, aabe. aabbo

oggol [m.l]
1. O. ah: cid aan wax diiddanayn. 2. Neef irmaan oo ubad waliba nuugo; hebed.

olol [m.l] (-llo, m.dh)
1. Holac. 2. Cida geela marka uu oomman yahay ama ubadkiisa waayo.

olol [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-olay, -oshay)
1. Dab holcid. 2. Geel oomman ama ubadkiisa waayey ciyid.

raasweyn [m.dh]
Haweenay ubad iyo xoolo badan leh.

rabbaysan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-smay, -santay; -smi)
1. Ubad si habboon u barbaarid. 2. Xayawaan rabbaayad noqosho.

rabbaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Ubad si habboon u barbaaray ahaansho. 2. Xaya-waan rabbaayad ahaansho.

rabbayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Ubad si habboon u barbaarsasho. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigasho.

rabbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Ubad si habboon u barbaarin. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg