ubax
(m.l)Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan; waa caleemo midabyo badan oo qurxoon; xay; man.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ubax ↴
aaddan [f.g.mg4] (-naa, -nayd)
1. (f.g) Is aa.: laba nafley wax da'da ama xoogga iska le'eg ahaansho. 2. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale ku beegan ahaansho. Tus. “Guriga Cali wuxuu ku aaddanyahay Baar Ubax”. 3. (f.mg) Ku
aa.: wax, wax kale muuqaalkooda isku
gudbay ahaansho. 4. (f.mg) Ku soo aa.: wax la filayo in uu meel yimaaddo ama ku dhaco waqti go'an ahaansho.
taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid
ubaxaysad [m.l]
ld ubaxaysasho. ubaxaysasho
ubaxaysi [m.l]
ld ubaxaysasho. ubaxaysasho
ubaxayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ubax yeelasho (geed). ld ubxayso. ubxayso
ubaxdhig [m.l]
Dhigidda la dhigo meelo taariikhi ah ubax.
ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa
ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha
ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.
ubaxoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ubaxow. ld ubxoobid. ubxoobid
ubaxow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Ubax dhalid (geed). ld ubxow. ubxow