ubuc
(m.dh) (-cyo, m.dh)

Uurkujir. ld oboc. oboc

ubuc
(m.dh) (-cyo, m.l)

Qaybta hoose ee jidhka xayawaanka. Waxay ka koobantahay caloosha, mindhicirrada iyo organnada qashinsaarka iyo taranka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ubuc

oboc [m.dh]
eeg ubuc. ubuc

arkaniida [m.l]
(baay.) Dir ka tirsan artaraboodhaha berriga ku nool kana kooban ilaa 5.000 oo sinji oo ay ka mid yihiin caarada, dabaqallooca, shilinta iyo aboorka. Jidhka arkaniiduhu wuxuu u qaybsamaa qayb hore oo loo yaqaanno madax saabley iyo qayb dambe oo loo yaqaan ubuc.

betrooliyam [m.l]
(kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

holac-xuub-ubuceed [m.l] (-cyo ..., m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka xuubka ubacda. Infekshinka Iaad ee xuubka waxa keena baktiiriya dhiigga la socda, sida: bleeumokooko, baktiiriyada qaaxada, iwm. Astamo: xanuun ku faafsan uurkujirtada, qandho, iyo culeyska jirka oo is dhima. Biyo ayaa xuubka fariisan kara ama infekshinka ayaa sii kordhiya uur biyood horay u jiray. Infekshinka 2aad xuubka waxa keena dalooshamid ama dillac ka dhaca xubin ka mid ah uurkujirtada xubnaheeda - sida boog xiidmeed, qabsin waxaana u sabab ah soo gelitaanka jeermi iyo dhacaanka xubnaha uurkujirtada oo waxyeelleya xuubkaas.

moqorka kalka wadnaha [Magac Lab | Noun Masculine]
(c.nafl) Moqor uu ku yaallo wadnuhu. Dhinaca lafdhabarleyda waa qayb ka mid ah qaaxada oo ka soocan moqorka kalka ubucda.

rubuc [m.l] (-cyo, m.dh)
ld rubi.

xuub-ubuceed [m.l] (-bab ..., m.dh)
(c.nafl.) Xuubka qoyan ee uurkujirtada gudaheeda.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg