udub
(m.l) (-dbo, m.l)

1.Tiir xooggan, farraarro leh oo dhismaha aqal soomaaliga lagu adkeeyo. 2. Tiirar badan oo meel wada yaal. 3. Summad geela lagu dhigo, qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan looga dhigo; kabaal. 4. Dhigo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh udub

kaad [m.l]
1. Irridda aqalka xaggiisa gudaha. 2. Labada udub oo aqalka irriddiisa ku mudan midkood.

maalin dayaxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.

udubcad [m.l]
Qoys markaas aqal galay.

udubdhexaad [m.l] (-do/-dyo, m.dh)
Udub dheer oo aqlka dhexdiisa la suro si uu u adkeeyo dhismaha aqalka.

udubxoog [m.l] (-gyo, m.dh)
Labada udub oo irridda aqalka lagu dhiso midkood.

xadgudub [m.l]
ld xadgudbid.

xadgudub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dbay, -dubtay; -dbi)
Ku x.: cid wax aan ku habboonayn ku samayn.

xambaaraggudub [m.l]
Tabaha legdanka nooc ka mid ah oo labada qof oo legdamaya midkood kan kale kor u qaado oo dhulka ku dhufto.

dhakaw [m.l]
Tigin; dhidib; udub.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg