udug
(m.l)

1. Ur la jecleysto. 2. Wax ur la jecleysto leh oo la shito ama lays mariyo.

udug
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-dgay, -dugtay)

Wax caraf la jeclaysto yeelasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh udug

udgid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg udug². udug

udgoon [m.l]
1. Ur la jeclaysto oo carfoon. 2. Waxyaabo la shito ama lays marsho oo carfoon; udug. udug, carfoon

jaawe [m.l]
Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. ld jaawi¹.

ardooyin [m.l.w]
Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo udug iyo raashin; fiqiburaale; wadaaddo.

ayaamo [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
1. Duulal la rumaysanyahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan².

boorane [m.l]
Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug.

dhaashi [m.l]
1. Dufan ama labeen udug leh oo oogada la marsado. 2. ld dhaashasho.

dhir [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Wadajirka geedaha, kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn. 2. Geedaha dhadhanka iyo udugga gaarka ah leh oo dadku cunnada, cabitaanka iwm ku darsado; dhir-magaalo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg