ufo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Dabaysha roobka ka soo horreysa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ufo

uduufo [m.dh]
Wax kasta intiisa liidata.

ufoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
1. Ka siqasho; ka yaqyaqsasho. 2. Ka u.: wax ka tanaasulid ama ka fogaansho.

ufood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg ufoo.

afuufo [m.dh]
Neef afka, ama wax kale, laga sii daayo.

candhuufo [m.dh]
ld candhuuf¹.

dhufo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-ftay, -fatay)
ld dhifo.

dufoobid [m.f.dh]
eeg dufow². ld dufow¹.

dufow [m.l]
ld dufoobid.

dufow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax dulloobey noqosho.

u [m.dh]
(u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga, waana shaqal.

u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg