ugaar
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Nafley banjoog ah oo hilibkeeda la cuno sida biciidka, deerada, iwm.

ugaar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Ugaar dilasho (qof). ld ugaarso.

ugaarsade-hargaandi*

baydari


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ugaar

waabis [m.l]
Xeelad la rabo in ugaarta la isugu keeno meel lagu hodayo, iyadoo lagu orrinayo.

edegshoomo [m.l]
Edeg dagiiranka lagu ugaarsado.

laandeyr [m.dh]
Laan xoog leh oo xarig lagu xiro, oo inta la soo xoodo ugaarta lagu dabo.

saalo [m.dh]
Saxaro kuuskuusan oo geela, ariga iyo ugaarta qaarkeed dhigaan.

saaloo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Geel, ari iyo ugaarta qaarkeed saalo dhigid.

ugaarasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ugaarso. ld ugaarsasho, ugaarsi.

ugaarayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ugaaree.

ugaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Dabjoob in ay ugaar noqoto gayeysiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg