ugaarsi
(m.l)

ld ugaarasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ugaarsi

ugaarasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ugaarso. ld ugaarsasho, ugaarsi.

adami [m.l]
Nafley ugaarsiga ku nool.

adamiyeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Nafley ugaarsi ku noolaan.

boon [m.dh]
1. Beel ugaarsato ah. 2. Haweeney ka tirsan dadka ugaarsiga ku nool.

dabato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad ugaarsi ku nool.

eey [m.l] (-eey/-yo, m.dh)
(c.nafl.) Naasley dab joog ah, yeyda ay isku bah yihiin, hilib cun ah, oo loo adeegsado ugaarsiga iyo ilaalinta guryaha, xoolaha, beeraha iwm. ld ey¹.

fallaar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Bir yar, dhuuban, afka gammuun looga daabo, qaansooyinka laga gamo oo loo adeegsado dagaalka iyo ugaarsiga. 2. Nudo dhuudhuuban oo iftiinka qorraxda keena.

gaboy [m.l]
(gaboy, m.dh) Qof ugaarsiga ku nool. ld gabooy.

gabraarato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad ugaarsiga ku nool.

ugaar [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nafley banjoog ah oo hilibkeeda la cuno sida biciidka, deerada, iwm.

ugaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Ugaar dilasho (qof). ld ugaarso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg