ujeeddo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Macnaha looga danleeyahay hadal, fal, hadaf iwm. 2. Dulucda qoraal rasmi ah ama dood. ld ulajeeddo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ujeeddo

ulajeeddo [m.dh]
ld ujeeddo.

abbaato [m.dh.fk]
Hor iyo a.: fal la sameeyo inta aan ujeeddo la lahaa lagu dhaqaaqin. Tus. “Inta aynaan badda aadin hor iyo abbaato aan shaah cabno”.

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.

afmaldah [m.l]
Hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ku dhex qarsoontahay.

argaggixisannimo [m.dh]
Isticmaalid rabash, dil, afduub iyo dhac si loo gaaro ujeeddo siyaasadeed ama si loogu qasbo dawlad in xukunkeedu wax ka beddesho.

aydiyolooji [m.l]
(fals.) Mabaadii habeysan oo ku saleysan figrado iyo ujeeddooyin siyaasi ah. ld aydiyooloojiyo.

bambax [m.l]
1. Isugu imaanshaha ay dad badan oo ujeeddo gaar ah lihi isugu yimaadaan meel fagaare ah. 2. ld bambixid. ld bannaambax¹.

bambax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Fagaaro isugu imaansho si ujeeddo loo fuliyo (dad badan). ld bannaambax².

baraarujsanaan [m.dh]
(taar.) Fikrado kasta, afkaar, dareen, rajooyin, ujeeddooyin, xusuus uu qofka ama dadka u leeyahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg