ukun
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective) (-umo, m.l)

Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurkii ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ukun

ugax [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-gxaan, m.dh)
1. Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurka ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd; ukun. 2. Unug dheddig oo ka soo go'a ugxiyaha naasleyda dheddig oo marka uu bacrimiyo unugmaniga labi ilmo ka abuurmaan.

uuroowid [m.l]
(baay.) Xaalad uurqaadid, marka shahwada labku bacrimiso ukunta dheddigga dhuunta falloobiyo dhexdeda.

xab [m.l]
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.

baalbaal [m.l]
Macmacaan ka samaysan bur, sonkor iyo ukun oo sida baalka oo kale loo googooyay oo saliid lagu dubay.

baji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid cabsi gelin. 2. Wax sida ukun iwm. jebin. 3. Bujin.

cadho [m.dh]
(daaw.) Caallir maqaarka oo uu keeno “sarcoptes scabiei”. Cadhadu waxay caan ku tahay cuncun badan weliba habeenkii, finan cascas, iyo aalaba caallir kale oo ka dul taga dhiigga. Deriskunoolka waxay dhex jeexdaa maqaarka ukumaheedana ku daadisaa, yaryarka ukunta ka soo baxana si sahlan ayey qofka kale u raaci karaan.

cadwoob [m.l]
(baay.) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.

cuq [m.dh]
1. Muddo kooban oo ay digaagaddu ku fadhido ukumaha si ay u dillaacaan. 2. C. ah: digaag ku jirta muddadii fadhiga ee ay ukunta ku dillaacin lahayd. ld uq.

dhalmaddeyn [m.dh]
(c.nafl.) Xilliga qofka dumarka ah ay ka joogsato caadadu taas oo ay keentay ugaxleyda oo joojisa sameyntii unugga ukunta, sidaas darteed haweeneydu mardambe uur ma qaadi kareyso. Dhalmadayntu waxay dhici kartaa da'da u dhexeysa dhexda soddomaadka iyo kontomaadka, sida badan inta u dhexeysa da'da 40 - 50sano.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg