ummul
(m.dh) (-lo, m.l)

Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhashay.

ummul
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ulay, -ushay)

Ilmo uur ku jiray dhalid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ummul

ummuladdoox [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Dilaa aan cidna u nixin oo wuxuu arkaba dila. 2. Colaad aan cidna la reebin.

ummulbax [m.l]
Dhammaadka afartanka casho ee ugu dambeeya kolka ay hooyadu ummusho.

ummulbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Afartanka casho ee ummusha lagu jiray dhammaysasho.

ummulbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hooyo dhashay, intay afartanka casho ee ummusha ka dhammaysanayso u adeegid; nafaqgayn.

ummulbixid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ummulbax².

ummulbixin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ummulbixi.

ummuli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ilmo ka dhalin.

ummulid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ummul².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg