unuun
(m.l)

1. Madax; kur. 2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta ka sii kharaar oo laysku dhaweeyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh unuun

unuungoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-ooyay, -oysay)
Nafley madaxa ka jarid.

unuungoyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg unuungoo.

unuunuf [m.l]
Af-ku-urursiga cunta yar oo dhulka daadsan afka lagu uruursado. ld anaanuf¹.

unuunuf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Nafley cunto yar oo dhulka ku daadsan uruursasho. ld anaanuf².

unuunufid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg unuunuf². ld anaanufid.

anaanuf [m.l]
ld unuunuf¹.

anaanuf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
ld unuunuf².

anaanufid [m.dh]
ld unuunufid.

dunuunuc [m.l]
ld gunuunuc¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg