uugo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Dhawaaq wiilka geela jiraa sameeyo markuu rabo inuu isu ururiyo. ld uujo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uugo

uujo [m.dh]
ld uugo.

cantuugo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Cabitaan ama cunto hal mar afka buuxisa.

duugoobid [m.f.dh]
eeg duugow². ld duugow¹.

duugow [m.l]
ld dugoobid.

duugow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Duug noqosho (wax).

suugo [m.dh]
Iidaan ka kooban, hilib, khudrad iwm oo laysku kariyey oo cuntada lagu darsado (siiba baastada).

tuugo [m.dh]
1. Wax xadidda; tuugnimo; xatooyo. 2. Qof dheddig ah oo keli ah wax xadda. 3. Koox wax xaddo.

uu [mu.dhm.y]
Magacuyaal tilmaamaya qofka saddexaad ee kelida lab ah (kan laga hadlayo). Tus. “Wuxuu rabaa inuu wax ka barto”

uu [Erey Dareen | Exclamation]
Erey dareen oo tilmaamaya wax kedo ah ama wax naxdin ah, iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg