uumi
(m.l)

1. Humri kulul. 2. Kul; diirimaad.

uumi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax dab ku diirin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uumi

daadduumi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Feer, laad iwm cid dhulka la dhigid. ld daadduunsii, daanduumi, daanduunsii. daadduunsii, daanduumi, daanduunsii

daadduumid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daadduun². ld daanduumid. daadduun, daanduumid

daadduumin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daadduumi. ld daadduunsiin, daanduumin, daanduun- siin. daadduumi, daadduunsiin, daanduumin, daanduun- siin

uumi saarid [m.dh]
(bot.)Biyo lunka dhirta kaas oo ay ku sii daayaan gibilka. Biyo lunku badanaa wuxuu ka dhacaa caleemaha iyaga oo ka baxaya daloolada istomaataha, kaasi oo shaqadiisa ugu weyni tahay isdhaafsiga neefaha.

uumibax [m.dh] (-xyo, m.dh)
1. (fiis.) Isbedelka wejiga hoorku ku noqdo neef ama uumi. Uumibixinta waxay ku dhici kartaa heerkul kasta, dhakhsaheeduna wuxuu la kordhaa heerkulka. 2. (fiis.) Dariiqadda walaxi isaga beddesho dareere isuguna beddesho heerka uumiga ama biyaha hawada ku jira.

uumibax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Hoore la kululeeyey qiiq bixid.

uumibixid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uumibax².

uumibiyood [m.l]
Hoore la kululeeyey qiiq ka baxay oo qabow taabtay awgiis biyo isu beddeley.

uu [mu.dhm.y]
Magacuyaal tilmaamaya qofka saddexaad ee kelida lab ah (kan laga hadlayo). Tus. “Wuxuu rabaa inuu wax ka barto”

uu [Erey Dareen | Exclamation]
Erey dareen oo tilmaamaya wax kedo ah ama wax naxdin ah, iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg