uumibiyood
(m.l)Hoore la kululeeyey qiiq ka baxay oo qabow taabtay awgiis biyo isu beddeley.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uumibiyood ↴
biyo-saar [m.l] (-ryo, m.dh)
(baay.) Habka dhirtu biyaha ay xididdadu u soo nuugaan dib ugu celiso gibilka iyaga oo maraya daloollada caleemaha iyagoo uumibiyood ah.
ceeryaan [m.dh]
(fiis.) Cuf dhibco biyood ah oo ku jira lakabyada hoose ee gibilka, waxaana u sabab ah uumibiyoodka biyaha isugu rogaya hawada dhexdeeda, taas oo keenta aragtida oo si dhexdhexaaha u yaraata.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg