uun
(m.l)1. Wax kastoo Alle uumay. 2. Uumi.
uun
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1)(uumay, uuntay; uumi) Eebbe wax abuurid.
uun
(Falkaab | Adverb)1. Keliya. Tus. “Carruurta uun caanaha sii”. 2. Mid kastaba ha ahaadee. Tus.”Nin uun weyddii”. 3. Mid aan cayinnayn, mid aan la garanayn. Tus. “Wiil uun baa noo sheegay”.
Hammuun, Hammuum.*
Baahi ama gaajo.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Macne Dheeraad ah
Waa baahida ama gaajada qofka qabata marka uu aroortii hore gurigiisa ka kallaho asaga oo gaajoon ama waxba cunin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uun ↴
saabbuun [m.dh]
Xayr iyo maadooyin kale oo la
isku kariyey, adke laga dhigay oo dharka iyo jirka lagu mayrto, biyahana ku milma. ld saabuun. saabuun
saabbuuncadar [m.dh]
Saabbuun udgoon oo lagu mayrto.
saabbuunee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
Dhar saabbun ku dhaqid.
saabbuuneyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saabbuunee. saabbuunee
saabbuunmadow [m.dh]
Saabbuun dharka lagu dhaqdo oo leh midab madow buluug xigeen ah.
saabbuunmaris [m.l]
Saabbuunta noocyada dharka lagu dhaqo.
maacuun [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Qalabka jikada looga
adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida
suxuunta, digsiyada, mindiyaha iwm. suxuun, digsiyo, mindiyo
caadoxanuun [m.l]
Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.
daacuun [m.l]
Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. ld daacuun-calooleed, daacuuncaloolo. daacuun-calooleed, daacuuncaloolo
daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
u [m.dh]
(u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af
soomaaliga, waana shaqal.
u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.