uurjiif
(m.l) (-fyo, m.dh)

Ilmaha weli uurka ku jira.

uurjiif
(m.l) (-fyo, m.dh)

(baay.) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uurjiif

rabiish [m.l]
Libaax-badeed uurjiif ah oo hilibkiisu nafaqo badan leeyahay.

ugxanside-yare [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(bot.) Qaybta organnada taranka dheddigga ee iniinyaha geedka, taas oo ka kooban bu'da, kiish uurjiif iyo lakab ugxaneedya.

uuryaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Xanuunka ay ummushu dareento marka ilmasidaheedu isku soo uruurayo. 2. (-llo, m.dh) Uurjiif. 3. Wax indhuhu aanay qaban karin.

ilmo-calooleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed.

mandheer [m.dh]
(c.nafl.) Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. ld maldheer.

meesiyeyn [m.dh]
(baay.) Isbedellada koritaanka nudaha ee ka bilaabma sahlanaan ilaa uu ka noqdo dhisme kakan, kaas oo khaas u ah shaqooyin gaar ah. Meesiyeyntu waxay dhacdaa xilliga koritaanka uurjiifka, dib isu kabid, iyo dhinaca dhirtana waxqabad caydineed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg