uurkujir
(m.dh)

Inta uurka ku jirta, sida: beerka, kelyaha, caloosha iwm; uusley.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uurkujir

xaab [m.l.w]
1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.

ugaxlay [m.dh]
(c.nafl.) Xubinta taranka ee ugu muhiimsan xagga dheddigga oo soo saarta unug-ukumeed iyo hormoonnada istroojinka kaltan toosan kaddib markii ay ku dhacaan hormoonnada goonadotroofiin loo yaqaan oo laga siidaayo qoqobka hore ee qanjirdhiiqa bitiwitariga waxa jira laba ugxeeye oo ku yaal qaybta hoose ee uurkujirtada, labada dhinac ee ilmosidaha.

xaalo [m.dh]
1. Xubnaha ragga. 2. Uurkujir.

beer [m.l] (-rar, m.l)
1. Xubin uurkujirta ah lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu madow guduud ku dheehanyahay ah oo samaysa xammeetida, dhiiggana wixii sumeynaya ka ilaalisa. 2. Qaybta dhexe ee miraha, jilicsan, qolof ku dahaaran oo uu geedku ka dhasho.

beeryaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.

boog-xiidmeed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Boog ku taal qayb ka mid ah xiidmaha (duodenum) waxaana keena asidhka caloosha. Waxaana u badan dadka noocooda dhiigga uu yahay kooxda “O”. Astaamaha: xanuun uurkujirtada marka calooshu marantahay; matagna waa jiri karaa.

caloolmajiir [m.l] (-ro, m.dh)
(daaw.) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.

fiistola [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Isudalooshamid aan caadi ahayn ee labo xubnood oo uurkujirtada ka mid ah ama xubin jirka dibeddiisa.

holac-kiishyaro [m.l] (-cyo ..., m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka kiish yar oo ka sameysma hunguriga iyo xiidmaha. Marka ay xiidmaha ka sameysmanto waxay keentaa; xanuun uurkujirtada hoose, shuban ama calool joogsi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg