uuro
(m.dh)

1. Boor ama qiiq madow oo kacsan. 2. Biyo dhoobo ku qasantahay oo aad u calawsan. 3. Midab xooluhu yeeshaan oo madow, guduud iyo cawl isugu dhafan.

kuuro*

 dawo ama wax la mid ah oo inta badan dhalo yar ku jira oo loogu tala galay in waqti gaar ah la adeegsado.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uuro

ujuuro [m.dh]
ld ujro.

usduuro [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhacdo taariikheed oo sooyaal ah, oo wax laga beddelay qaabkeeda hore. ld asduurad, usduurad.

uuree [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin.

uuroobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uurow.

uuroowid [m.l]
(baay.) Xaalad uurqaadid, marka shahwada labku bacrimiso ukunta dheddigga dhuunta falloobiyo dhexdeda.

uurow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Uur qaadid ama yeelasho.

ajuuro [m.dh]
ld ijaar¹.

buuro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Nafley mid kale si aan ogaan ahayn ugu dhicid; legdid.

buuro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Nafley cayilid; weynaansho.

uu [mu.dhm.y]
Magacuyaal tilmaamaya qofka saddexaad ee kelida lab ah (kan laga hadlayo). Tus. “Wuxuu rabaa inuu wax ka barto”

uu [Erey Dareen | Exclamation]
Erey dareen oo tilmaamaya wax kedo ah ama wax naxdin ah, iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg