waabaayo
(m.dh)Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. ld waabaay, waabay². waabaay, waabay, sun, mariid
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waabaayo ↴
waabaay [m.dh]
ld waabaayo. waabaayo
waabaayee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
1. Nafley sumayn. 2. Waran, fallaar iwm waabaayo
marin.
waabaayoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waabaayow. waabaayow
waabaayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Dad, xoolo iwm wax waabaayo hayso noqosho.
waabay [m.dh]
ld waabaayo. waabaayo
abris [m.l] (-syo, m.dh)
Halaq madow oo gaaban oo waabaayo halis ah leh, oo afka iyo dabada wax ku qaniina inta badanna aan suntiisa laga kicin.
aleelaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Nooc dibqallooca ka mid ah oo aad u weyn oo dabada midabbo kala duwan ku leh, waabaayo halis ahna leh.
bey [m.dh]
Nooc ka mid ah halaqyada waaweyn oo leh waabaayo halis ah.
caddaysimo [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. C. ah: neef la rarto o aan rar saarnayn. 2. C. ah: fallaar aan waabaayo la marin. ld caddaysin.