waari
(m.l)Sheekada haabeenkii lagu soo jeedo, dhafar; dabjeex.
waari
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Waar ku cabbirid. 2. Wax waaro ka dhigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waari ↴
waalid [m.l] (-diin, m.dh)
Laba qof oo wax dhashay waxa ay ilmahooda u yihiin. ld waarid.
waarid [m.l]
ld waalid¹.
waarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
waar². ld waaris.
waarid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Soo w.: badeeco dibadda ka keenid.
waaridid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waarid³.
waaridnimo [m.dh]
ld waalidnimo.
waarig [m.dh]
ld waariko.
waariko [m.dh]
Jaad likaha ka mid ah oo badanaa dundumooyiinka agtooda ka soo fuuro; barkiwaraabe. ld waarig.
waa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
Qurub lagu muujiyo waxa laga
sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa
yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee
dugsiga'.
waa [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aayay, -aayday; -aayi)
1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.
waa [m.l] (-aayo, m.l)
1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli;
waqti; jeer; goor.
waa [m.l] (-aayo, m.l)
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo
kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.