waasac
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)W. ah: aan ciriiri ahayn, wax badan qaada, ballaaran.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waasac ↴
ballaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax ballac weyn leh ahaansho. 2. Wax waasac ah ahaansho (dhul, weel iwm).
ballaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax, wax ballac leh ka dhigid. 2. Wax, wax waasac ah ka dhigid.
faki [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid halis ka badbaadin. 2. Wax waasac ka dhigid. 3. Wax meeel si xoog leh u qabsaday ka sii deyn. ld fiki.
fitaax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
Wax waasac noqosho. ld fataax².
wasac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
W. ah: meel aan ciriiri ahayn. ld waasac.
wees [m.l]
1. Geed faalala oo xooluhu, siiba geelu daaqo oo ur aad u lifaaqoon leh. 2. Ballaar; waasac.