waayeel
(m.l) (-llo, m.dh)

Qof fil weyn ama wax garad ah.

waayeel
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-eelay, -eeshay)

ld waayeelow.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waayeel

odayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Da'weyn gaarid; waayeeloobid. 2. Waayo aragnimo yeelasho. waayeeloobid

caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.

qaafo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Waayeelka taliya. 2. Xoolaha intooda waaweyn oo ay ishu qabato uguna waxtar badan. 3. Naag sharafta haween leedahay u dhan tahay.

waayeelid [m.dh]
ld waayeeloobid.

waayeelnimo [m.dh]
Waayeel ahaan.

waayeelow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Waayeel noqosho.

iskuddaran [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
I. ah: qof waayeelnimo awgeed garaadkiis isdhimay.

jamaamuur [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Ragga intiisa wax garadka ah ee la tixgeliyo; waayeel. ld qamaamuur.

waaye [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
ld weeye.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg